Asides

yigleelka boggan

Tan iyo amin fog waxaan aragnaa in ay aad u yaryihiin wabsaaydyo ama wax u dhigma kuwaas oo daryeel siiya arimo ka durugsan arimaha nolosheena soomaaliyeed ay la qabsatay. sida qaraxyo dhaca, dilal qorsheysan, qalalaase taagan, ismaandhaafyo siyaasadeed, hanti gubata, jidgoyo la dhigto, fatahaadyo lagu waxyeelooba, daadad soo rogma, deeq shisheye oo joogta ah, iyo waxyaabo la mid ah oo aan dheef lahayn. Baddalkeedana ay dadka sii niyad disha uun. Halka dunida kale badankoodu ay maqlaan/daawadaan ama aqristaan dhacdoyin ku saleysan horumarada ay dalkoodu gaaraan, haldooryada libta helay, tubaha loo maro guulaha nololeed, iwm. Dadyowgan waxay xal ka gaareen arimo aad u fudud laakiinse u baahan wacyi, dhug iyo feejignaan.

Halkan waxaad ku aqrisan doontaan, hadday suurtagal tahayna ku daawan doontaan arimo wax ka baddali kara noloshiina, sida inaan soo galino horumarada dal, dadyow amaba qof ahaaneed ee la gaaray,shisheye iyo soomaaliba, kuwaas oo laga gaaray dhinacyada nolosha sida Kobcin dhaqaale, horumar siyaasadeed, wacyi bulsho, xasilooni xaaladeed, aqoon kororsi, iyo inaan ku dhex geyno dunida kale ee horumartay.

waan soo dhoweynaynaa fekerrada idinka dhex guuxaya, aragtiyada idinku keydsan, dhaliilaha wax dhiska ah iyo taloyinka wax ku oolka ah.

Mahadsanidiin.