wadareynta ereyada af-soomaaliga

Af-soomaaligu wuxuu leeyahay hab u gaar ah oo lagu wadareyn karo ereyada, ayna qaataan qaabab kala duwan kuwaas oo sababa xarfaha ay ku dhamaadaan ereyada. Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa is rogrogga qeybta dambe ee ereyada la wadareynayo.

“O”, “YO” , “YAAL”, “İN” , “A+shibbanaha” iyo “qalaad”, waa qaababka ay ku dhamaadaan ereyada Afsoomaaliga. Labada hore ayaa badan, qeybaha kale se waxay galaan meelo go’an.

Aqal-o, meel-o, xeeb-o, bad-o, geed-o, gacan-o(gacmo> qaaciddo kale ayay gashaa)”, bil-o, sar-o, hees-o, lug-o, deeq-o, laan-o( shaqal + n + shaqal = m>laamo), erey-o, boqor-o, hadal-o, dareen-o(dareemo), daaqad-o, lacag-o, maalin-o(maalmo), iwm. waxaa jirta dad ku sheega in la jibbaaro xarafka dambe ee aan jirin “O” keliya sida aqal= aqal-lo, boqor-ro,iwm. laakiin ereyada badankoodu ma ogola xeerkan sida ereyadan : bad-o, xeeb-o, gacan-o, hees-o, sar-o, …. haddiise la raaco xeerka ay afyahannada qaar ay soo jeediyaan waxay noqon lahayd sidan: baddo, xeebbo, gacanno, heesso, sarro,.. adigan hadda aqrinaya dhawaaqa kulama qumana oo kolkaad leedahay xeebo iyo kolkaad leedahay xeebbo way kuu kala duwanyihiin.

Waxaa sidoo kale jira “yo”, wuxuu yimaada kolka ereygu uu ku dhamaado shaqalada A, İ, iyo ereyada qaar ee shibbanaha ku dhamaada, tusaaledhig: baaq-yo, waa-yo, madax-yo, xafiis-yo, cirif-yo, ilaah-yo, rinji-yo, qoraa-yo, mindi-yo, aragti-yo, iwm.

Ereyada ku dhamaada E sidoodaba waxay qaataan “yaal”, halkan laga yaabaa in AAL uu ahaa oo Y’du ay labada shaqal isku xirayso keliya, laakiin halkan meel oo ah “E” ay gasho awgeeda; sideeda ayaan ku daynaynaa.

Ereyada ku dhamaada O waxay qaataan “İN”. Laakiin sidee ayay ku dhici kartaa oo waxaan adeegsanaa OYİN, sida qolo-oyin > qolooyin, degmo>oyin, iwm. Aniguse markaan baaray waxaan arkay inay jiraan dheereymo badan oo lagu sameyo ereyada qaar, tusaale ahaan : ereyga degaan waxay soomaalidu ugu dhawaaqdaa sida deegaan, laakiin degaan ayaa saxan, sababtu waa degaan wuxuu ka yimid deg-id, ee ma aha deeg-id, si la mid ah, qolo + Y + in ayaa quman oo waxay noqotaa qoloyin oo dabadeedna way dheereyaan dadweynuhu, sidaas si la mid ah ereyga EED-EY-N wuu saxanyahay laakiin kolka laga dhigo fal tagay waxay ugu dhawaaqaan eedeeyay, waxaana saxan eedeyay.

Waxaa jira ereyo ah LAB haddana ah HAL HİGGAADLE, waxay qaataan wadareyn ka duwan kuwa kale sida: qaab-ka > qaab-ab, shir-ar, buug-ag( ma aha buugaag, waa sida aan iminka sheegayay), af-af, duub-ab, raad-ad, miis-as, saf-af, baal-al, daan-an(daaman), wiish-ash, dal-al, dhul-al, caag,ag,xul-al, doog-ag, tog-ag, war-ar, fal-al, mas,as,iwm. oo shibbana ugu dambeya ayaa soo rogaal celiya uun laakiin shaqalka u dhexeya wuu cadyahay oo waa A.

Ugu dambeyn waxaa jira wadareyn qalaad oo ka timid Afka Carbeed, wuxuuna wadareyaa qaar ka mid ah ereyada doolka ah ee isaga ka yimid, sida muslin-iin(muslimiin), jaahil-iin(ama juhalo), caalin(culimo), iwm.

Haddaan isu soo ururino wadareynta ereyada( plural) waxaa ugu weyn “(Y)O”. inta kale waxay galaan keliya hadduu ereygu ku dhamaado “E” ama “O”, naqadkuna waa “LAB+HAL HİGGAADLE”.

waxaan rajeynayaa inaad faaloyin noogu dhaafto hoos ama baraha bulshada.

qaabdhismeedka falalka af-soomaaliga

dayacaadda weyn ee Afka Soomaaligu la kulmayo waxay gaartay heer xun, iyada oo aan la dafiri karin inyar oo dadaal u gashay badbaadinta Af-Soomaaliga. Dhibaatadan badatay waxay keentay in mararka qaar qofka Soomaaliga ah uu kugula doodo arrimo la xiriira adeegsiga Afkan, naxwe ahaan waxaa saxan adiga laakiin maqalka badan ee qaladka ah ayaa keenaysa in lagu doodo meel aan yool lahayn. Tusaale ereyga “noqasho” iyo “naqasho” waa labo kala duwan, laakiin si weyn la isugu qaldo, mid waa ahaansho midna waa laabasho. Mahadnaq waa mahadcelin, ma noqon karto “mahadnoq”.

Waa uun hal tusaale keliya, inta kale inaad raadraadisaan anigana aan idinkala wadaago waxaan soo helaba waa lamahuraan. Aan u soo dhaadhaco is rogrogga falalka Soomaaliyeed.

Af-soomaaligu waxa uu leeyahay qaabdhismeedyo u gaar ah, dhanka falalka. Dhamaan falalka Af-soomaaligu wuxuu ku dhamaadaa:

“İD” sida cab-id, cun-id, sarm-id, iwm.

“SHO” sida daawa-sho, gura-sho, lunsa-sho, iwm.

“N” sida xooji-n, kaxey-n, raadi-n, iwm

Way wadaagaan uun dhamaadyadaas, laakiin gudaha marka aad gasho way sii kala baxaan, oo waxay sii kala noqonayaan sidan:

“İD” asalka, “MİD” sida sar-mid, “OOBİD” sida mid-oobid”, “AABİD” sida bil-aabid.

“ASHO” sida fur-asho, “SASHO” sida bur-sasho, “AANSHO” sida ogol-aansho, “EYSASHO” sida dan-eysasho.

“N” sida kori-n, “SİİN” sida marsiin, “EYN” sida yar-eyn, “

Sababaha ay u kala dauwanaadeen waxay ku xirantahay qaabka loo adeegsanayo iyo halka loo adeegsanayo. “id” waa asalka dibkabeyaasha, tusaaleyaal: cun-id = to eat, qor-id = to write, far-id = to order. “mid” waxay ka timid sida sar-id > saran-id > sarm-id, oo way ka duwantahay kolka la yiraahdo sar-id, oo ah qof ama wax sakiin wax sartay, laakiin qofka la sarayna waxaa la leeyahay wuu sarmay, keliya halkan looma baahna sheegidda yeelaha(subject). “oobid” waa NOQOSHO uun, sida keliyoobid oo ah keli noqosho, gaboobid, oo ah noqoshada qof gaboobay, duqoobid la mid. “aaabid” kama ag dheera oobid.

“asho” kuwa ku dhamaada waxay tilmaamaan geereynta falka. tusaale: qorasho = to write for ownself, yacni qoristaasu waxay tusinaysaa inay gaar u tahay ama ay dan ugu jirto qoraha amaba ay khuseyso qofkaas, “sasho” waa la mid asho oo meelaha qaar baa lagu adeegsada baddalka “asho”. tusaale: bax-sasho, oo asalkiisu yahay bax-id, halkan qofka bixinay waxaas isaga ama iyada ayay gaar u tahay ama dan ugu jirtaa, “eysasho” waa isla tubtaas uun laakiin waxay sidataa fahan kale oo ah “ka yeelid gaar u ah sameyaha”.

“n” waa gacan shisheye sida xooji-n oo ah gacan dibadda ka timid ayaa ku jirta, waxan la xoojinayo wuxuu u baahanyahay gacan shisheye oo xoogga siisa ama ka dhalisa, sidoo kale dejin waxay ka timid degid, tusaale: Maxamed wuxuu degay Jarmalka, iyo Maxamed wuxuu qoykiisa dejiyay Jarmalka, halkan marna isaga ayaa sameyaha ah, marna waa isla isaga laakiin dad ayuu sameysiinayaa. waxaa la mid ah “siin” sida cunsiin, cabsiin. “eyn” waa ka yeelid, sida yar-eyn oo ah in laga yeelo waxyar, weyn-eyn oo ah in wax weyn laga dhigo, iwm. Yeeliddan hadday gaar u tahay qofka falka ku dhaqaaqaya waxay noqotaa “eysasho” tusaale DAN-EY-SASHO. Halkan wuu daneynayaa laakiin isaga ayay dan ugu jirtaa.

Ugu dambeyn waxaa jira hal ama labo kale oo aan weli xalkeeda gaarin, iyagana dib ayaan idinkala soo wadaagi doonaa.

Dhanka hoose fadlan noogu reeb faaleyntiina .

Xiriirka afaf Soomaaliga iyo carabiga

Horudhac

Qarniyadii dambe waxaa soo badanayay aqoomaha kala jaadka ah kuwaas oo oddorosaya qeyb ka mid ah nolosha. Cilmiyadan kala duwan waxaa kala dhaxlayay ilbaxyada dunida ka soo jiray, kuwaas oo inta badan ku dhisan diin ama falsafo ku riixaysa in dunida kale la raadceyo, sida inay qabsadaan duulal kale kana dhaxla hodannimo aysan haysanin iyagu, sidoo kalana gaarsiiya nolol cusub oo ay ka soo dheegtaan qeybaha kale ee ay maamulaan. Boqortooyoyinka caynkan ah waxaa lagu magacaabaa İmbaraaddooriyad, waxaan ka mid ah tii Faariska, Masaaridii hore, Roomaanka, Xabashida, Boqortooyada İngiriiska iwm. Waxyaabaha laga dhaxlay awoodahan waxaa ka mid ah in ereyo badan ay dunidan isugu gudbisay, Tusaale ; nidaamkii İslaamiga ahaa ee 1000 kii sano ee ugu dambeyay saameynta ku lahaa Soomaalida waxay Afsoomaaliga ku soo biiriyeen ereyo afaf kale sida Faarista, ereyadan qaar si toos, qaarna si dadban ayay u soo gaareen geyigan.

Aqoomaha xilliyadii dambe si aqoon ahaan diiradda loo saro waxaa ka mid ah; Cilmi-afeedka(Linguistics). Aqoonyahanahada cilmigan ku xeeldheer waxay isku raaceen qeybinta afafka dunidan looga hadlo. Kumanaanka af ee aadanuhu ku hadlaan waxay ku wada arooraan hal af, sida qiyaasta aqooneed  (hypothesis) ama aragtida aqooneed (theory) lagu soo bandhigay. Waxaana afafkan sida ay isugu dhowyihiin loo sii qeybiyay baho, bahahaas waxaa ka mid ah bahda Afraasiyeedka(afro-asiatic) taas oo looga hadlo goobaha ay isaga dhowyihiin labada qaaradood ee magacoodu ka muuqdo magaca. Dadyowga ku hadla afkan ayaa ku fidsan goobaha kala ah: Geeska Afrika, Waqoyiga Afrika, Jasiiradxigeenta Carbeed(Bariga dhexe), iyo qeybo ka mid ah gudaha Afrika sida Nayjeeriya(Hawsa).

Laamaha ay bahdan u sii qeybsanto ayaa ah: Kushitig, Semitig, Barbari, Masaarigii hore, Jaaddig, Omotig. Kolka laga tago Semitig; inta kale waxaa looga hadlaa qaaradda Afrika, Laguna magacaabaa Xamitig. İsla sidoo kale qeyb ka tirsan Semitigga ayaa looga hadlaa qaaraddan, sida İtoosemitig(Ethiosemitig) ee ay ka midyihiin Af-amxaarka, Af-tigeega, Af-hareeriga, iwm.

Afka Soomaaliyeed oo gala laanta Kushitigga waxa uu leeyahay hodannimo taariikheed, dhaqameed iyo mid afeedba, waxaysa la’dahay cilmibaareyaal dhiiran, si weynna u turxanbixiya. Qoraalkaygan waxaan barbardhig ku sameynayaa labada af ee kala gala labo bah oo dhalatay yacni walaalo ah, waa afafka Soomaaliga oo ku abtirsada laanta Kushitigga iyo Afka Carabiga oo gala laanta Semitigga. Tan iyo muddo fog dareenka diimeed ee nagu jira awgeeda waxaan ku dhiiran waynay af-carabiga(Afka Quraanka) inaan ku baddalno af kale, xittaa hadduu yahay kayağa Af-soomaaliga, arinkan ma aha wax u gaar ah Soomaalida, waxay ku dhacday Turkida, Reer Yurub idilkooda(Af-Laatiinka iyo ka horna Af-Giriigga ayay ugu jirtay kaalintaas), iyo kuwo kale.

Ololaha Farsoomaaliga waxaa la bilaabay qarnigii 13aad ee miilaaddiga, waxaana xoogga saaray buunigii weynaa ee Awbarkhadle, wuxuuna soo saaray far carbeed lagu baahitirayo qoraalka Af-soomaaliga. İnkastoo ay jiraan ififaalo muujinaya in Soomaalidu lahayd miilaaddiga ka hor, far u gaar ah oo noloshoodu ku maareyn jireen, hase yeeeshee la’aanta dadyow baara raadadka awoowayaashooda ayaa keentay ilaa iminka inaan la hayn caddeymo iyo faahfaahimo dheeraad ah.

Waxay ahaataba, inkastoo ay jirto xasiloonidaro afeed ee Af-soomaaliga, haddana waxaa jirta dhan ay u wada badanyihiin soomaalida maanta ee sida ay u qoraan ereyada Soomaaliyeed ee sida kala duwan ay ugu hadlaan. Xilligan la joogana waxaan si uun u sameyn karnaa isbarbardhig afkeena iyo af kale, iyadoo taas laga duulayo waxaan halkan hoose ku bandhigayaa xiriirka, isu-ekaanshaha iyo kala duwanaanshaha laba af ee ina adeerada ah.

İsbarbardhigyada afeed

Afafkan ilma adeerada ah waxay wadaagaan erey-saleedyada yacni ereyada aan galin ergashada ee aan lakala qaadan karin, af walbana inuu lahaado ay tahay lamahuraan, hadday wadaagaanna waxay ka dhigantaa inuu jiro xiriir walaalnimo. Ereyadan waxaa ka mid ah magacuyaalada, tiroyinka( gaar ah 5ta hore), xubnaha jirka , iwm.

Magacuyaalada:

Af-Soomaali Af-Carabi Wadaagyada Faahfaahin
Ani(ga) Anaa N  
Adi(ga) Anta     / anti d-t  
İsa(ga) Huwa Waxba  
İya(da) Hiya Y (h) +iya= hiya
Ana(ga) / ina(ga) Naxnu  / innaa N  
Adin(ka) Antum / antunna d-t iyo n M kuma dhamaado ereey soomaaliyeed.
İya(ga) Hum    / hunna Waxba Saameyntii ( hiya).

Dhanka sare haddaan eegno, waxaan arkayna isu ekaanshaha weyn kolka la turxanbixiyo naxwe ahaan:

Af-Soomaaliga ma jiro erey ku dhamaada xarfaha; k, t, m, iwm. Tusaaleyaal: calam = calan, muslim= muslin, quut=quud, iwm. Haddaba kuwa ku dhamaada xarafka (m) sida Antum haddaan ka dhigno Antun, si la mid ahna xarfaha is qaata sida b iyo f, b iyo w, m iyo n, d iyo t, iwm. Haddaan ku dabaqno halkan waxaa soo baxaysa antun = andun, magacuyaalkan “andun” kama agdheera “adin”, sababta haddaan raaciyo, afka Soomaaliga laguma arko xarafka “D” oo u dhexeya labo shaqal misana dhawaauna aan is baddalin. Tusaale: bad = bado, bud = budad, dadaal, badeel, budo, badar, raadaar, raadiyo, raadad, madal, iwm. Adiga kolkaad ku dhawaaqayso si fiican ula raacraac qaabka aad ugu dhawaaqayso, marna waa sidan bad= badda( bad+ta) iyo marna bad= bado (bad+o).

Sidoo kale ereygan İSAGA ( isa, asa, usu,…) waa dhawaaqyo kala duwan kuna jira afkeena. Afka Sumariga iyo afaf kale oo Afraasiyada ah ayaa loogu dhawaaqaa “usu”.

Si la mid ah magacuyaalada ah layeele, yacni objects(mafcuul) waxay noqonaysa sidan:

Layeele Af-Soomaali Af-Carabi
Aniga İ Nii
Adiga Ku Ka      / ki
İsaga Hu
İyada Haa
Anaga Na Naa
Adinka İdin Kum   /kunna
İyaga Hum   / hunaa

Aan faahfaahiyo halkan, tusaale aniga oo bixinaya ayaan kasi(Fahmi) doonnaa;

Waad i jeceshahay ——- تحبني(tuxibbu-nii)

Waan ku jeclahay  ——– أحبك(uxibbu-ka)

Waad na aragtay     —— رأيتنا(ra’eyta-naa)…

Tiroyinka:

Af-Soomaali Af-Carabi
Kow Waaxid
Labo İthneyn
Saddex Thalaatha
Afar Arbaca
Shan Khamsa
Lix Sitta
Todobo Sabca

Qeybtan way adagtahay helidda inay wadaagaan, baddalkeeda waxay u sii dhowdahay afafka kale ee bahda HidiYurub (İndo-European), tusaale:

Af-Carabi Af-İngiriis Af-Talyaani
Waaxid One Uno
İthneyn Two Due
Thalaatha Three Tre
arbaca Four Quatro
Khamsa Five Cinque
Sitta Six Sei
Sabca Seven Sette

Qaabdhismeedyada naxweed:

Fal tagto

Magacuyaalka Af-Soomaali Af-Carabi Faahfaahin
Aniga Qor-ay Katab-tu  
Adiga Qor-tay Katab-ta  
İsaga Qor-ay Katab-a  
İyada Qor-tay Katab-at  
Anaga Qor-nay Katab-naa  
Adinka Qor-teen Katab-tum  
İyaga Qor –een Katab-uu Muddaarica(joogtada) waa yaktub-uuna.

Fal joogto

Magacuyaalka Af-Soomaali Af-Carabi Faahfaahin
Aniga Qor- aa         / ayaa a-ktubu Dhamaana haddaad u fiirsato waxaa muuqda xiriir naxweed oo u cad. Haddii la isu fasirana way is qaataan.  
Adiga Qor- taa      / aysaa Ta-ktubu
İsaga Qor- aa       / ayaa Ya-ktubu
İyada Qor- taa     / aysaa Ta-katubu
Anaga Qor- naa    / aynaa Na-ktubu
Adinka Qor- taan  / aysaan Ta-ktubu-una
İyaga Qor- aan   / ayaan Ya-ktubu-una

Ugu dambeyn, ereyga lahaansho waa ملكية  afka carabiga, laakiin kolka la hadlayo lahu/lahaa ayaa la adeegsadaa:

Lahaansho Af-Soomaali Af-Carabi
Aniga Leeyahay Lii
Adiga Leedahay Laka
İsaga Leeyahay Lahu
İyada Leedahay Lahaa
Anaga Leenahay Lanaa
Adinka Leedihiin Lakum
İyaga Leeyihiin Lahum

Meeleyeyaashuna waxay noqonayaan:

Ka Ka qaado Min Khud min-hu
Ku Ku socdaa, İlaa, bi Maashii ilaa, maashii bi
U U imid La Ji’tu li
La La hadlay Maca Takallamtu Maca

Waxay ahaataba waa arin dhiraandhirin cilmiyeysan kana fog laablakac iyo caaddifad.

Ma habboona in la yiraahdo wax walba oo ay wadaagaan labadan af ee ilma adeerada ah; in afka carabiga laga soo qaatay ekaan walba. Si la mid ahna ereyada oo ay ka buuxaan af soomaaliga ereyo ku jira af carabiga. Waxaan hoos ku soo bandhigayaa boqolaal erey oo aan isku taxallujiyay helidda in ay jiraan ereyo la mid ah oo afsoomaaligu lahaa ama leeyahay.

No Af-Carabi Af-Soomaaliyeysan Af-Soomaali
001 ايمان Aaminsanaan Rumeysnaan
002 اساس Aasaas Udubdhexaad
003 تاسيس Aasaasid Yagleelid
004   Adduunyo İf
005 أجنبي Ajnabi Shisheye
006 الباب Albaab Irid, afsaar, afaaf, marin, Kadin, ilin,
007 تاليف alifid Curin,unkid
008   Ammiir Taliye
009 امر Amrid farid
010 القبول Aqbalid ogolaansho
011 الأربعاء Arbaco Agaal,koodaar
012 الأرض Arli Dhul
013 عروس Aroos Guur, aqalgal
013   Arxan Naxriis
014 أسبوع Asbuuc Todobaad
015 الاصابة Asiibid Haleelid,
016 اسلوب Asluub Anshax
017 أول Awal Kow
018 الأحد Axad Carte, koobin
019   Axsaan Abaal
020 أيام Ayaamo Maalmo
021 تأييد Ayidid Taageerid
022 بادية Baaddiye Miyi
023 بعد Bacdi Dib, dabadeed,
024 تبديل Baddalid Doorin
025 بخيل Bakhayl Dhabcaal, muudal
026 بلد Balad Magaalo
027 بركة Barako Barkhad,
028 بيع Beec Iib
029 بيض Beed Ukun, ugxan
030 بيت Beyd Meeris
031 بكرة Bikro Bocor
032 برق Biriq Hilaac
033 عاطفة Caaddifad Laablakac
034 العافية Caafimaad Faaysi
035 عالم Caalin Buuni
036 عشق Caashaq Jaceyl
037 عاصمة Caasimad Magaalamadax
038 معاون Caawin Kaalmeyn, gargaarid, garab is taagid, gacan qabasho,
039 عدالة Caddaalad Garsoor
040 عدو Cadow Nacab, col
041 علامة Calaamad Astaan, sumad
042 عقل Caqli Xirgi, garaad, dhug, maan,
043 عشاء Casho Xiraad
044   Cawar Illaw
045 عيب Ceeb Bayuur, jiciir
046 علم Cilmi Aqoon
047 عمر Cimri Da’, fil
048 عيال Ciyaal Caruur, ilmo
049   Ciyaal Caruur
050 دار Daar Sar
051 طبيعة Dabeecad Baxaalli
052 ضعف Daciifid Liidasho, liicid
053 طلب Dalab Codsi, warsi
054 ذنب Danbi Dhagar, gabood
055 دقيقة Daqiiqad Mirir
056 درجة Darajo heer
057 ضربة Darbo Haraati
058 طريق Dariiq Waddo, jid, tub, waddiiqo, daw
059 درس Darsi Cashar
060   Daruur Hogol
061 اضاع Dayicid Beerdareyn
062   Deyn Amaah
063 دفاع Difaac Dhicin, gaashaan
064   Digaagad Diiro
065 دور Door Kaalin
066 دعاء Duco Duraansi
067 ظهر Duhur Hargal, gadiid,
068 ظلم Dulmi Gardarro
069 أهل Ehel Reer, xigto, sokeye
070 فائدة Faaido Waxtar, dheef
071 فارغ Faaruq Maran, banaan, baabah
072 فهم Fahan Kasmo
073 فلك Falag Cirbixin
074 فنان Fanaan Heesaa
075 فقير Faqiir Sabool
076 فرحة Farxad Reynreyn, riyaaq
077   Fashil Guuldaro
078 فعل Ficil Fal, sameyn
079 فراش Firaash Gogol, joodari
080 فرصة Fursad Kanshe
081 قرع Garaacid Dhabid, dhufasho,
082 هجرة Haajirid Hayaamid,
083 هدف Hadaf Yool, ujeeddo
084 هم Han Himilo
085 هواء Hawo Dabayl
086 اعلان Iclaamin Ogeysiin, wargalin
087   İnqilaab Agfembi
088 الاثنين Isniin Uguus, lamin
089 استعمال Isticmaal Adeegsi
090   İsticmaar Gumeysi
091 جار Jaar Deris, ollog
092 جهل Jahli Aqoondaro
093 جهة Jaho Doc, dhan
094 الجمع Jamac Wadar
095 جريدة Jariidad Wargeys
096 جواب Jawaab Warcelin
097 جيل Jiil Fac
098 الجمعة jimco Lamme, hakis
099 جهلاء Juhalo Waxmagarato
100 جملة Jumlo Weedh
101 كامل Kaamil Buuxa, dhameystiran,
102 كلمة Kalmad Erey
103 خرج Khaarajin Dilid
104 خاص Khaas Gaar
105 خبير Khabiir Waaya-arag, xeeldheere
106 خط Khad Hanqaas,
107 خفيف Khafiif Fudeyd
108 غلط Khalad Gef
109 خلق Khalqi Uumane(uun)
110 الخميس Khamiis case, hakibilow
111 خسارة khasaaro Waxyeelo
112 خطر Khatar Halis
113 ختم Khatimid Gunaanudid, gebagebeyn, afmeerid,
114 خير Kheyr Samaan, wanaag
115 خبرة Khibrad Waaya-aragnimo, xeeldheeri
116 خلاف Khilaaf Ismaandhaaf, ismariwaa,
117 خيانة Khiyaano Hagar
118 كراهية Kiraaheysi Necbeysi
119 كل Kulli Dhamaan, idil, gebi, giddi
120 كربة Kurbo Walbahaar, walwal,
121 لكن Laakiin Haseyeeshe
123 ليل Leel Habeen, cawo
124 لغة Luuqad Af
125 مال Maal Hanti
126 معلم Macalin Baraa(bare)
127 مع السلامة Macasalaama Nabadey
128 معلومات Macluumaad Wacaal
129 مدرسة Madraso Dugsi
130 ملعقة Malcaqad Qaaddo
131   Mamnuuc Reebane
132 منصب Mansab Jago
133 المغرب Maqrib Fiid
134 مرة Mar Kol, jeer, goor, gudub, moodid
135 مرق Maraq Fuud
136 مروحة Marwaxad Babbiso
137   Masdar İl, raadraac
138 مشغول Mashquul Hawlanaan
139   Masiir Aayatiin
140 مسح Masixid Tirtirid
141 مصلحة Maslaxad Dan
142 مسؤولية Masuuliyad Xil,
143 معني Micno Ujeed, ulajeed
144 مدية Middi Toorey, bilaabo
145 ميزان Miisaamid Beegid
146 ملح Milix Cusbo
147 موجة Mowjad Hir
148 مظاهرات Mudaaharaad Banaanbax, isusoobax, dibadbax,
149 مجتمع Mujtamac Bulsho
150   Mukhaabaraad Sirdoon, wardoon
151   Mukhaaddaraad Maandooriye
152 مصطلح Musdalax Ereybixin
153 مشكلة Mushkilo Dhibaato,
154   Mushtar Cirjeex, cirjiir
155 مصيبة Musiibo Hoog
156 مستقبل Mutaqbal timaaddo
157 نادر naadir Dhif
158 نفس Naf Rubud
159 نسب Nasab Abtirsi, aji,
160 نصيب Nasiib Ayaan, doobir, dhur, cawo
161 نصيحة Nasteexo Waano, caqlicelin, talo
162 نواحي Nawaaxi Hareero
163 نظام Nidaam Hab, habdhis,
164 نية Niyad Nabdi
165 نوع Nooc Jaad, cayn, sinji
166 نقصان Nuqsaan Dhinnaan, qabyo
167 نصف Nus Bar,
168   Nus Bar
169 نور Nuur Iftiin
170 وفاء Oofin Balan fulin,
171 أوام Oon Haraad
172 أولاد Owlaad Ubad
173   Owlaad Ubad
174 أخذ Qaadid Usid
175 قاموس Qaamuus Abwaan
176 قبر Qabri Xabaal
177 تقدير Qaddarin Tixgalin
178 غذاء Qado Dharaarad, harimo
179 قلب Qalbi Wadne
180 اقناع Qancin Dhaadhicin
181 غني Qani Hodan
182 قرابة Qaraabo Xigto, sokeye,
183   Qaraar Go’aan
184 غريب Qariib Dool
185 قصد Qasdi Ujeeddo
186 قيمة Qiimo Abdo
187 قصة Qiso sheeko
188 قوة Quwad Awood
189 راد Raadin Fadid
190   Rasaas xabbad
191 ربا Ribo dulsaar
192 رياء Riyo hilimo
193   Rubuc Waax
194 روح Ruux Qudh
195 ساعة Saacad Gooreyso, goorsheegto,
196 مساعدة Saacidid Garab istaagid, gacan qabasho, kaalmeyn,
197 زائد Saaid Aad,
198 صاحب Saaxiib Widaay
199 السبت Sabti Sade, sooroga
200 صدر Sadri Xabad
201 سفر Safar Geeddi,
202 صف Safid Tixid
203 سفير Safiir Danjire
204 سهل Sahal Fudud
205 سخاء Sakhi Deeqsi
206 سلام Salaan Bariidin
207 سماء Samad Cir
208 صبر Samir Dulqaad,
209   Samo Cir
210 صنعة Sanco Farsamo
211   Sanco Farsamo
212 سمك السردين Sardiin Huduf
213 صور Sawir Muuqaal, muuq
214 صحافة Saxaafad Warfaafin, warfidin,
215   Saxaro udo
216 شاهد Shaahid Goobjooge,
217 شعب Shacab Dadweyne
218 شخص Shakhsi Qof,
219 شخصية Shakhsiyad Qofnimo
220 شكل Shakli Qaab
221 شر Shar Xumaan
222 شرع Sharci Xeer
223 شريفة Shariifad Qaafo
224 شيء Shay wax
225 صفة Sifo Tilmaan
226 زنا Sino Gogoldhaaf
227   Sixir Falfal
228 زيادة Siyaado Koror,
229 زيارة Siyaarasho Booqasho
230 سعي Socod Dareer
231 سؤال Suaal Weydiin
232 صباح subax Aroor
233   Sulux Heshiis
234   Suuli Musqul
235 صحفي Suxufi Wariye
236 سحور Suxuur Hiraab
237 تاجر Taajir Hodan
238 تبرعات Tabarucaad Taakulo
239 تعدي Tacaddi Xadgudub
240 تعليم Tacliin Waxbarasho
241   Tacriif Qeex
242 تعزية Tacsi Baroordiiq
243 تهنئة Tahniyad Hambalyo
244 الثلاثاء Talaado Agaagax, lamtuke
245 تربية Tarbiyo Barbaarin
246 ترجمة Tarjumid Afrogid
247   Tawrad kacaan
248   Taxliil Dhiraandhiris, falanqeyn, gorfeyn, faaqidaad, qaadaadhig
249 تجربة Tijaabin iskuday
250   Tumun Fallar
251 توافق Waafaqid Raacid
252   Waasac Balaaran
253 وطن Waddan Dal
254 توجه Wajahid Foodsaarid,
255 وقت Waqti Xilli, goor, ammin, milay
256 وسخ Wasakh Uskag, dusukh
257 حضور Xaadirid Imaansho
258 حاجة Xaajo Dan, arrin, talo
259   Xaalad Sah
260 حد Xad Soohdin
261 حفظ Xafidid Dhawrid, ilaalin,
262   Xamilid Adkeysi, gegsi
263 حنان Xannaano Daryeel
264 حق Xaq Gar
265 حقيقة Xaqiiqo Dhab
266 حيوان Xayawaan Sankuneefle, nafley
267 حساب Xisaabin Tirin
268 حكم Xukun Talis,
269 حرمة Xurmo Milgo, Muuno, xushmo
270 يوم Yoon Maalin

Sidaad ka aragtaan halkan lama dhihi karo ereyada carbeed ee ergan in ay yihiin kuwo buuxiyay boos banaan, taas oo la ulajeed ah  ilbaxnimo maqnayd iyo garasho dhinnayd ayay keeneen dadyowga ku hadla afka carbeed. Waa ay jirtaa erey obadan oo boosbuuxis ah ee aan ahayn boosdurjin ama barabixis, sida siyaasad ama diin, ama ereyada nolosha cusub tan iyo bilowgii isqabqabsigii saldanadihii taas oo sababtay in loo dabco gumeysigii, gumeysigaas ayaa keenay dalkan erey oku cusub nolosha sida warshadaha casriga iyo waxay soo saaraan, wixii xigayna waan ognahay oo afkii oo aan la isku raacsaneyn far lagu qoro, dadkii oo dhibaato is xigxigta ka bixi waayay, iwm.

Gunaanud

Labada af ee bahwadaagga ah waxaa lagu sheegaa in Afka Soomaaligu uu ka weynyahay Afka Carbeed, qiyaasta la bixiyana waa in Af-Soomaaligu saldhigtay qarnigii 1aad ama 2aad ee miilaaddiga, halka Af-Carabiguna uu ka dambeyay 3,4 amaba 5 qarni. Halkan tusaalooyin waxaa noogu filan in Af-Soomaaligu uu ku badanyahay laba shibbanaha, yacni waxa carabtu ay u taqaano “thunaai”, sida: deg, gal, bax, riix, joog, jir, cun, dur, dir, naq, rar, roob, cir, dhul, bad, laf, bal, buul, biib, duul, dal, hag, hoog, hur, taag, tag, tuur, tiir, tol, beel, leeb, guul, yar, roon, rif, tif, dhab, dhal, dood, dan, tar, jab, jiin, fac, fil, kuul, kal, shin, haad, qudh, cab, jiif, jug, baal, sah, gar, goob, meel, goor, gan, duur, jiq, jaal, daan, iwm. Halka carabigana ay ku badanyihiin “thulaathiga” yacni saddex shibbanaha, sida: saqiir, kabiir, waqti, zaman, shahr, sulxi, qitaal, waddan, calam, makaan, madhar, lahm, nazal, dakhal, kharaj, dakhdi, xadar, rukni, shajara, nabaat, arsal, dufr, nasr, baxr, walad, halaak, ..iwm.

Ugu dambeyn waxaan ku soo afmeerayaa af-Soomaaliga iyo xiriirada ka dhexeya afafka kale gaar ahaan kuwa ay bahwadaagga yihiin waxaa loo baahanyahay in cilmibaaris badan lagu sameyo, haddaysan dhicin sidaas waxaa badanaya dadyow kale ee sameyay cilmibaarista afkooda inay ku dhiirtaan beenabuuro ama xagaleegyo(perspectives) ka dhan ah afkeena.

yigleelka boggan

Tan iyo amin fog waxaan aragnaa in ay aad u yaryihiin wabsaaydyo ama wax u dhigma kuwaas oo daryeel siiya arimo ka durugsan arimaha nolosheena soomaaliyeed ay la qabsatay. sida qaraxyo dhaca, dilal qorsheysan, qalalaase taagan, ismaandhaafyo siyaasadeed, hanti gubata, jidgoyo la dhigto, fatahaadyo lagu waxyeelooba, daadad soo rogma, deeq shisheye oo joogta ah, iyo waxyaabo la mid ah oo aan dheef lahayn. Baddalkeedana ay dadka sii niyad disha uun. Halka dunida kale badankoodu ay maqlaan/daawadaan ama aqristaan dhacdoyin ku saleysan horumarada ay dalkoodu gaaraan, haldooryada libta helay, tubaha loo maro guulaha nololeed, iwm. Dadyowgan waxay xal ka gaareen arimo aad u fudud laakiinse u baahan wacyi, dhug iyo feejignaan.

Halkan waxaad ku aqrisan doontaan, hadday suurtagal tahayna ku daawan doontaan arimo wax ka baddali kara noloshiina, sida inaan soo galino horumarada dal, dadyow amaba qof ahaaneed ee la gaaray,shisheye iyo soomaaliba, kuwaas oo laga gaaray dhinacyada nolosha sida Kobcin dhaqaale, horumar siyaasadeed, wacyi bulsho, xasilooni xaaladeed, aqoon kororsi, iyo inaan ku dhex geyno dunida kale ee horumartay.

waan soo dhoweynaynaa fekerrada idinka dhex guuxaya, aragtiyada idinku keydsan, dhaliilaha wax dhiska ah iyo taloyinka wax ku oolka ah.

satcuro

Mahadsanidiin.

Arrimaha guud / Gorfeyn

Arrimaha guud / cilmibaaris

Arimaha guud / Cilmibaaris

arrimaha guud / warbixinno

arrimaha guud / maqaaloyin

diimeed / gorfeyn

SOMPUNTİTE

Design a site like this with WordPress.com
Get started