Horudhac
Qarniyadii dambe waxaa soo badanayay aqoomaha kala jaadka ah kuwaas oo oddorosaya qeyb ka mid ah nolosha. Cilmiyadan kala duwan waxaa kala dhaxlayay ilbaxyada dunida ka soo jiray, kuwaas oo inta badan ku dhisan diin ama falsafo ku riixaysa in dunida kale la raadceyo, sida inay qabsadaan duulal kale kana dhaxla hodannimo aysan haysanin iyagu, sidoo kalana gaarsiiya nolol cusub oo ay ka soo dheegtaan qeybaha kale ee ay maamulaan. Boqortooyoyinka caynkan ah waxaa lagu magacaabaa İmbaraaddooriyad, waxaan ka mid ah tii Faariska, Masaaridii hore, Roomaanka, Xabashida, Boqortooyada İngiriiska iwm. Waxyaabaha laga dhaxlay awoodahan waxaa ka mid ah in ereyo badan ay dunidan isugu gudbisay, Tusaale ; nidaamkii İslaamiga ahaa ee 1000 kii sano ee ugu dambeyay saameynta ku lahaa Soomaalida waxay Afsoomaaliga ku soo biiriyeen ereyo afaf kale sida Faarista, ereyadan qaar si toos, qaarna si dadban ayay u soo gaareen geyigan.
Aqoomaha xilliyadii dambe si aqoon ahaan diiradda loo saro waxaa ka mid ah; Cilmi-afeedka(Linguistics). Aqoonyahanahada cilmigan ku xeeldheer waxay isku raaceen qeybinta afafka dunidan looga hadlo. Kumanaanka af ee aadanuhu ku hadlaan waxay ku wada arooraan hal af, sida qiyaasta aqooneed (hypothesis) ama aragtida aqooneed (theory) lagu soo bandhigay. Waxaana afafkan sida ay isugu dhowyihiin loo sii qeybiyay baho, bahahaas waxaa ka mid ah bahda Afraasiyeedka(afro-asiatic) taas oo looga hadlo goobaha ay isaga dhowyihiin labada qaaradood ee magacoodu ka muuqdo magaca. Dadyowga ku hadla afkan ayaa ku fidsan goobaha kala ah: Geeska Afrika, Waqoyiga Afrika, Jasiiradxigeenta Carbeed(Bariga dhexe), iyo qeybo ka mid ah gudaha Afrika sida Nayjeeriya(Hawsa).
Laamaha ay bahdan u sii qeybsanto ayaa ah: Kushitig, Semitig, Barbari, Masaarigii hore, Jaaddig, Omotig. Kolka laga tago Semitig; inta kale waxaa looga hadlaa qaaradda Afrika, Laguna magacaabaa Xamitig. İsla sidoo kale qeyb ka tirsan Semitigga ayaa looga hadlaa qaaraddan, sida İtoosemitig(Ethiosemitig) ee ay ka midyihiin Af-amxaarka, Af-tigeega, Af-hareeriga, iwm.
Afka Soomaaliyeed oo gala laanta Kushitigga waxa uu leeyahay hodannimo taariikheed, dhaqameed iyo mid afeedba, waxaysa la’dahay cilmibaareyaal dhiiran, si weynna u turxanbixiya. Qoraalkaygan waxaan barbardhig ku sameynayaa labada af ee kala gala labo bah oo dhalatay yacni walaalo ah, waa afafka Soomaaliga oo ku abtirsada laanta Kushitigga iyo Afka Carabiga oo gala laanta Semitigga. Tan iyo muddo fog dareenka diimeed ee nagu jira awgeeda waxaan ku dhiiran waynay af-carabiga(Afka Quraanka) inaan ku baddalno af kale, xittaa hadduu yahay kayağa Af-soomaaliga, arinkan ma aha wax u gaar ah Soomaalida, waxay ku dhacday Turkida, Reer Yurub idilkooda(Af-Laatiinka iyo ka horna Af-Giriigga ayay ugu jirtay kaalintaas), iyo kuwo kale.
Ololaha Farsoomaaliga waxaa la bilaabay qarnigii 13aad ee miilaaddiga, waxaana xoogga saaray buunigii weynaa ee Awbarkhadle, wuxuuna soo saaray far carbeed lagu baahitirayo qoraalka Af-soomaaliga. İnkastoo ay jiraan ififaalo muujinaya in Soomaalidu lahayd miilaaddiga ka hor, far u gaar ah oo noloshoodu ku maareyn jireen, hase yeeeshee la’aanta dadyow baara raadadka awoowayaashooda ayaa keentay ilaa iminka inaan la hayn caddeymo iyo faahfaahimo dheeraad ah.
Waxay ahaataba, inkastoo ay jirto xasiloonidaro afeed ee Af-soomaaliga, haddana waxaa jirta dhan ay u wada badanyihiin soomaalida maanta ee sida ay u qoraan ereyada Soomaaliyeed ee sida kala duwan ay ugu hadlaan. Xilligan la joogana waxaan si uun u sameyn karnaa isbarbardhig afkeena iyo af kale, iyadoo taas laga duulayo waxaan halkan hoose ku bandhigayaa xiriirka, isu-ekaanshaha iyo kala duwanaanshaha laba af ee ina adeerada ah.
İsbarbardhigyada afeed
Afafkan ilma adeerada ah waxay wadaagaan erey-saleedyada yacni ereyada aan galin ergashada ee aan lakala qaadan karin, af walbana inuu lahaado ay tahay lamahuraan, hadday wadaagaanna waxay ka dhigantaa inuu jiro xiriir walaalnimo. Ereyadan waxaa ka mid ah magacuyaalada, tiroyinka( gaar ah 5ta hore), xubnaha jirka , iwm.
Magacuyaalada:
| Af-Soomaali | Af-Carabi | Wadaagyada | Faahfaahin |
| Ani(ga) | Anaa | N | |
| Adi(ga) | Anta / anti | d-t | |
| İsa(ga) | Huwa | Waxba | |
| İya(da) | Hiya | Y | (h) +iya= hiya |
| Ana(ga) / ina(ga) | Naxnu / innaa | N | |
| Adin(ka) | Antum / antunna | d-t iyo n | M kuma dhamaado ereey soomaaliyeed. |
| İya(ga) | Hum / hunna | Waxba | Saameyntii ( hiya). |
Dhanka sare haddaan eegno, waxaan arkayna isu ekaanshaha weyn kolka la turxanbixiyo naxwe ahaan:
Af-Soomaaliga ma jiro erey ku dhamaada xarfaha; k, t, m, iwm. Tusaaleyaal: calam = calan, muslim= muslin, quut=quud, iwm. Haddaba kuwa ku dhamaada xarafka (m) sida Antum haddaan ka dhigno Antun, si la mid ahna xarfaha is qaata sida b iyo f, b iyo w, m iyo n, d iyo t, iwm. Haddaan ku dabaqno halkan waxaa soo baxaysa antun = andun, magacuyaalkan “andun” kama agdheera “adin”, sababta haddaan raaciyo, afka Soomaaliga laguma arko xarafka “D” oo u dhexeya labo shaqal misana dhawaauna aan is baddalin. Tusaale: bad = bado, bud = budad, dadaal, badeel, budo, badar, raadaar, raadiyo, raadad, madal, iwm. Adiga kolkaad ku dhawaaqayso si fiican ula raacraac qaabka aad ugu dhawaaqayso, marna waa sidan bad= badda( bad+ta) iyo marna bad= bado (bad+o).
Sidoo kale ereygan İSAGA ( isa, asa, usu,…) waa dhawaaqyo kala duwan kuna jira afkeena. Afka Sumariga iyo afaf kale oo Afraasiyada ah ayaa loogu dhawaaqaa “usu”.
Si la mid ah magacuyaalada ah layeele, yacni objects(mafcuul) waxay noqonaysa sidan:
| Layeele | Af-Soomaali | Af-Carabi |
| Aniga | İ | Nii |
| Adiga | Ku | Ka / ki |
| İsaga | – | Hu |
| İyada | – | Haa |
| Anaga | Na | Naa |
| Adinka | İdin | Kum /kunna |
| İyaga | – | Hum / hunaa |
Aan faahfaahiyo halkan, tusaale aniga oo bixinaya ayaan kasi(Fahmi) doonnaa;
Waad i jeceshahay ——- تحبني(tuxibbu-nii)
Waan ku jeclahay ——– أحبك(uxibbu-ka)
Waad na aragtay —— رأيتنا(ra’eyta-naa)…
Tiroyinka:
| Af-Soomaali | Af-Carabi |
| Kow | Waaxid |
| Labo | İthneyn |
| Saddex | Thalaatha |
| Afar | Arbaca |
| Shan | Khamsa |
| Lix | Sitta |
| Todobo | Sabca |
Qeybtan way adagtahay helidda inay wadaagaan, baddalkeeda waxay u sii dhowdahay afafka kale ee bahda HidiYurub (İndo-European), tusaale:
| Af-Carabi | Af-İngiriis | Af-Talyaani |
| Waaxid | One | Uno |
| İthneyn | Two | Due |
| Thalaatha | Three | Tre |
| arbaca | Four | Quatro |
| Khamsa | Five | Cinque |
| Sitta | Six | Sei |
| Sabca | Seven | Sette |
Qaabdhismeedyada naxweed:
Fal tagto
| Magacuyaalka | Af-Soomaali | Af-Carabi | Faahfaahin |
| Aniga | Qor-ay | Katab-tu | |
| Adiga | Qor-tay | Katab-ta | |
| İsaga | Qor-ay | Katab-a | |
| İyada | Qor-tay | Katab-at | |
| Anaga | Qor-nay | Katab-naa | |
| Adinka | Qor-teen | Katab-tum | |
| İyaga | Qor –een | Katab-uu | Muddaarica(joogtada) waa yaktub-uuna. |
Fal joogto
| Magacuyaalka | Af-Soomaali | Af-Carabi | Faahfaahin |
| Aniga | Qor- aa / ayaa | a-ktubu | Dhamaana haddaad u fiirsato waxaa muuqda xiriir naxweed oo u cad. Haddii la isu fasirana way is qaataan. |
| Adiga | Qor- taa / aysaa | Ta-ktubu | |
| İsaga | Qor- aa / ayaa | Ya-ktubu | |
| İyada | Qor- taa / aysaa | Ta-katubu | |
| Anaga | Qor- naa / aynaa | Na-ktubu | |
| Adinka | Qor- taan / aysaan | Ta-ktubu-una | |
| İyaga | Qor- aan / ayaan | Ya-ktubu-una |
Ugu dambeyn, ereyga lahaansho waa ملكية afka carabiga, laakiin kolka la hadlayo lahu/lahaa ayaa la adeegsadaa:
| Lahaansho | Af-Soomaali | Af-Carabi |
| Aniga | Leeyahay | Lii |
| Adiga | Leedahay | Laka |
| İsaga | Leeyahay | Lahu |
| İyada | Leedahay | Lahaa |
| Anaga | Leenahay | Lanaa |
| Adinka | Leedihiin | Lakum |
| İyaga | Leeyihiin | Lahum |
Meeleyeyaashuna waxay noqonayaan:
| Ka | Ka qaado | Min | Khud min-hu |
| Ku | Ku socdaa, | İlaa, bi | Maashii ilaa, maashii bi |
| U | U imid | La | Ji’tu li |
| La | La hadlay | Maca | Takallamtu Maca |
Waxay ahaataba waa arin dhiraandhirin cilmiyeysan kana fog laablakac iyo caaddifad.
Ma habboona in la yiraahdo wax walba oo ay wadaagaan labadan af ee ilma adeerada ah; in afka carabiga laga soo qaatay ekaan walba. Si la mid ahna ereyada oo ay ka buuxaan af soomaaliga ereyo ku jira af carabiga. Waxaan hoos ku soo bandhigayaa boqolaal erey oo aan isku taxallujiyay helidda in ay jiraan ereyo la mid ah oo afsoomaaligu lahaa ama leeyahay.
| No | Af-Carabi | Af-Soomaaliyeysan | Af-Soomaali |
| 001 | ايمان | Aaminsanaan | Rumeysnaan |
| 002 | اساس | Aasaas | Udubdhexaad |
| 003 | تاسيس | Aasaasid | Yagleelid |
| 004 | Adduunyo | İf | |
| 005 | أجنبي | Ajnabi | Shisheye |
| 006 | الباب | Albaab | Irid, afsaar, afaaf, marin, Kadin, ilin, |
| 007 | تاليف | alifid | Curin,unkid |
| 008 | Ammiir | Taliye | |
| 009 | امر | Amrid | farid |
| 010 | القبول | Aqbalid | ogolaansho |
| 011 | الأربعاء | Arbaco | Agaal,koodaar |
| 012 | الأرض | Arli | Dhul |
| 013 | عروس | Aroos | Guur, aqalgal |
| 013 | Arxan | Naxriis | |
| 014 | أسبوع | Asbuuc | Todobaad |
| 015 | الاصابة | Asiibid | Haleelid, |
| 016 | اسلوب | Asluub | Anshax |
| 017 | أول | Awal | Kow |
| 018 | الأحد | Axad | Carte, koobin |
| 019 | Axsaan | Abaal | |
| 020 | أيام | Ayaamo | Maalmo |
| 021 | تأييد | Ayidid | Taageerid |
| 022 | بادية | Baaddiye | Miyi |
| 023 | بعد | Bacdi | Dib, dabadeed, |
| 024 | تبديل | Baddalid | Doorin |
| 025 | بخيل | Bakhayl | Dhabcaal, muudal |
| 026 | بلد | Balad | Magaalo |
| 027 | بركة | Barako | Barkhad, |
| 028 | بيع | Beec | Iib |
| 029 | بيض | Beed | Ukun, ugxan |
| 030 | بيت | Beyd | Meeris |
| 031 | بكرة | Bikro | Bocor |
| 032 | برق | Biriq | Hilaac |
| 033 | عاطفة | Caaddifad | Laablakac |
| 034 | العافية | Caafimaad | Faaysi |
| 035 | عالم | Caalin | Buuni |
| 036 | عشق | Caashaq | Jaceyl |
| 037 | عاصمة | Caasimad | Magaalamadax |
| 038 | معاون | Caawin | Kaalmeyn, gargaarid, garab is taagid, gacan qabasho, |
| 039 | عدالة | Caddaalad | Garsoor |
| 040 | عدو | Cadow | Nacab, col |
| 041 | علامة | Calaamad | Astaan, sumad |
| 042 | عقل | Caqli | Xirgi, garaad, dhug, maan, |
| 043 | عشاء | Casho | Xiraad |
| 044 | Cawar | Illaw | |
| 045 | عيب | Ceeb | Bayuur, jiciir |
| 046 | علم | Cilmi | Aqoon |
| 047 | عمر | Cimri | Da’, fil |
| 048 | عيال | Ciyaal | Caruur, ilmo |
| 049 | Ciyaal | Caruur | |
| 050 | دار | Daar | Sar |
| 051 | طبيعة | Dabeecad | Baxaalli |
| 052 | ضعف | Daciifid | Liidasho, liicid |
| 053 | طلب | Dalab | Codsi, warsi |
| 054 | ذنب | Danbi | Dhagar, gabood |
| 055 | دقيقة | Daqiiqad | Mirir |
| 056 | درجة | Darajo | heer |
| 057 | ضربة | Darbo | Haraati |
| 058 | طريق | Dariiq | Waddo, jid, tub, waddiiqo, daw |
| 059 | درس | Darsi | Cashar |
| 060 | Daruur | Hogol | |
| 061 | اضاع | Dayicid | Beerdareyn |
| 062 | Deyn | Amaah | |
| 063 | دفاع | Difaac | Dhicin, gaashaan |
| 064 | Digaagad | Diiro | |
| 065 | دور | Door | Kaalin |
| 066 | دعاء | Duco | Duraansi |
| 067 | ظهر | Duhur | Hargal, gadiid, |
| 068 | ظلم | Dulmi | Gardarro |
| 069 | أهل | Ehel | Reer, xigto, sokeye |
| 070 | فائدة | Faaido | Waxtar, dheef |
| 071 | فارغ | Faaruq | Maran, banaan, baabah |
| 072 | فهم | Fahan | Kasmo |
| 073 | فلك | Falag | Cirbixin |
| 074 | فنان | Fanaan | Heesaa |
| 075 | فقير | Faqiir | Sabool |
| 076 | فرحة | Farxad | Reynreyn, riyaaq |
| 077 | Fashil | Guuldaro | |
| 078 | فعل | Ficil | Fal, sameyn |
| 079 | فراش | Firaash | Gogol, joodari |
| 080 | فرصة | Fursad | Kanshe |
| 081 | قرع | Garaacid | Dhabid, dhufasho, |
| 082 | هجرة | Haajirid | Hayaamid, |
| 083 | هدف | Hadaf | Yool, ujeeddo |
| 084 | هم | Han | Himilo |
| 085 | هواء | Hawo | Dabayl |
| 086 | اعلان | Iclaamin | Ogeysiin, wargalin |
| 087 | İnqilaab | Agfembi | |
| 088 | الاثنين | Isniin | Uguus, lamin |
| 089 | استعمال | Isticmaal | Adeegsi |
| 090 | İsticmaar | Gumeysi | |
| 091 | جار | Jaar | Deris, ollog |
| 092 | جهل | Jahli | Aqoondaro |
| 093 | جهة | Jaho | Doc, dhan |
| 094 | الجمع | Jamac | Wadar |
| 095 | جريدة | Jariidad | Wargeys |
| 096 | جواب | Jawaab | Warcelin |
| 097 | جيل | Jiil | Fac |
| 098 | الجمعة | jimco | Lamme, hakis |
| 099 | جهلاء | Juhalo | Waxmagarato |
| 100 | جملة | Jumlo | Weedh |
| 101 | كامل | Kaamil | Buuxa, dhameystiran, |
| 102 | كلمة | Kalmad | Erey |
| 103 | خرج | Khaarajin | Dilid |
| 104 | خاص | Khaas | Gaar |
| 105 | خبير | Khabiir | Waaya-arag, xeeldheere |
| 106 | خط | Khad | Hanqaas, |
| 107 | خفيف | Khafiif | Fudeyd |
| 108 | غلط | Khalad | Gef |
| 109 | خلق | Khalqi | Uumane(uun) |
| 110 | الخميس | Khamiis | case, hakibilow |
| 111 | خسارة | khasaaro | Waxyeelo |
| 112 | خطر | Khatar | Halis |
| 113 | ختم | Khatimid | Gunaanudid, gebagebeyn, afmeerid, |
| 114 | خير | Kheyr | Samaan, wanaag |
| 115 | خبرة | Khibrad | Waaya-aragnimo, xeeldheeri |
| 116 | خلاف | Khilaaf | Ismaandhaaf, ismariwaa, |
| 117 | خيانة | Khiyaano | Hagar |
| 118 | كراهية | Kiraaheysi | Necbeysi |
| 119 | كل | Kulli | Dhamaan, idil, gebi, giddi |
| 120 | كربة | Kurbo | Walbahaar, walwal, |
| 121 | لكن | Laakiin | Haseyeeshe |
| 123 | ليل | Leel | Habeen, cawo |
| 124 | لغة | Luuqad | Af |
| 125 | مال | Maal | Hanti |
| 126 | معلم | Macalin | Baraa(bare) |
| 127 | مع السلامة | Macasalaama | Nabadey |
| 128 | معلومات | Macluumaad | Wacaal |
| 129 | مدرسة | Madraso | Dugsi |
| 130 | ملعقة | Malcaqad | Qaaddo |
| 131 | Mamnuuc | Reebane | |
| 132 | منصب | Mansab | Jago |
| 133 | المغرب | Maqrib | Fiid |
| 134 | مرة | Mar | Kol, jeer, goor, gudub, moodid |
| 135 | مرق | Maraq | Fuud |
| 136 | مروحة | Marwaxad | Babbiso |
| 137 | Masdar | İl, raadraac | |
| 138 | مشغول | Mashquul | Hawlanaan |
| 139 | Masiir | Aayatiin | |
| 140 | مسح | Masixid | Tirtirid |
| 141 | مصلحة | Maslaxad | Dan |
| 142 | مسؤولية | Masuuliyad | Xil, |
| 143 | معني | Micno | Ujeed, ulajeed |
| 144 | مدية | Middi | Toorey, bilaabo |
| 145 | ميزان | Miisaamid | Beegid |
| 146 | ملح | Milix | Cusbo |
| 147 | موجة | Mowjad | Hir |
| 148 | مظاهرات | Mudaaharaad | Banaanbax, isusoobax, dibadbax, |
| 149 | مجتمع | Mujtamac | Bulsho |
| 150 | Mukhaabaraad | Sirdoon, wardoon | |
| 151 | Mukhaaddaraad | Maandooriye | |
| 152 | مصطلح | Musdalax | Ereybixin |
| 153 | مشكلة | Mushkilo | Dhibaato, |
| 154 | Mushtar | Cirjeex, cirjiir | |
| 155 | مصيبة | Musiibo | Hoog |
| 156 | مستقبل | Mutaqbal | timaaddo |
| 157 | نادر | naadir | Dhif |
| 158 | نفس | Naf | Rubud |
| 159 | نسب | Nasab | Abtirsi, aji, |
| 160 | نصيب | Nasiib | Ayaan, doobir, dhur, cawo |
| 161 | نصيحة | Nasteexo | Waano, caqlicelin, talo |
| 162 | نواحي | Nawaaxi | Hareero |
| 163 | نظام | Nidaam | Hab, habdhis, |
| 164 | نية | Niyad | Nabdi |
| 165 | نوع | Nooc | Jaad, cayn, sinji |
| 166 | نقصان | Nuqsaan | Dhinnaan, qabyo |
| 167 | نصف | Nus | Bar, |
| 168 | Nus | Bar | |
| 169 | نور | Nuur | Iftiin |
| 170 | وفاء | Oofin | Balan fulin, |
| 171 | أوام | Oon | Haraad |
| 172 | أولاد | Owlaad | Ubad |
| 173 | Owlaad | Ubad | |
| 174 | أخذ | Qaadid | Usid |
| 175 | قاموس | Qaamuus | Abwaan |
| 176 | قبر | Qabri | Xabaal |
| 177 | تقدير | Qaddarin | Tixgalin |
| 178 | غذاء | Qado | Dharaarad, harimo |
| 179 | قلب | Qalbi | Wadne |
| 180 | اقناع | Qancin | Dhaadhicin |
| 181 | غني | Qani | Hodan |
| 182 | قرابة | Qaraabo | Xigto, sokeye, |
| 183 | Qaraar | Go’aan | |
| 184 | غريب | Qariib | Dool |
| 185 | قصد | Qasdi | Ujeeddo |
| 186 | قيمة | Qiimo | Abdo |
| 187 | قصة | Qiso | sheeko |
| 188 | قوة | Quwad | Awood |
| 189 | راد | Raadin | Fadid |
| 190 | Rasaas | xabbad | |
| 191 | ربا | Ribo | dulsaar |
| 192 | رياء | Riyo | hilimo |
| 193 | Rubuc | Waax | |
| 194 | روح | Ruux | Qudh |
| 195 | ساعة | Saacad | Gooreyso, goorsheegto, |
| 196 | مساعدة | Saacidid | Garab istaagid, gacan qabasho, kaalmeyn, |
| 197 | زائد | Saaid | Aad, |
| 198 | صاحب | Saaxiib | Widaay |
| 199 | السبت | Sabti | Sade, sooroga |
| 200 | صدر | Sadri | Xabad |
| 201 | سفر | Safar | Geeddi, |
| 202 | صف | Safid | Tixid |
| 203 | سفير | Safiir | Danjire |
| 204 | سهل | Sahal | Fudud |
| 205 | سخاء | Sakhi | Deeqsi |
| 206 | سلام | Salaan | Bariidin |
| 207 | سماء | Samad | Cir |
| 208 | صبر | Samir | Dulqaad, |
| 209 | Samo | Cir | |
| 210 | صنعة | Sanco | Farsamo |
| 211 | Sanco | Farsamo | |
| 212 | سمك السردين | Sardiin | Huduf |
| 213 | صور | Sawir | Muuqaal, muuq |
| 214 | صحافة | Saxaafad | Warfaafin, warfidin, |
| 215 | Saxaro | udo | |
| 216 | شاهد | Shaahid | Goobjooge, |
| 217 | شعب | Shacab | Dadweyne |
| 218 | شخص | Shakhsi | Qof, |
| 219 | شخصية | Shakhsiyad | Qofnimo |
| 220 | شكل | Shakli | Qaab |
| 221 | شر | Shar | Xumaan |
| 222 | شرع | Sharci | Xeer |
| 223 | شريفة | Shariifad | Qaafo |
| 224 | شيء | Shay | wax |
| 225 | صفة | Sifo | Tilmaan |
| 226 | زنا | Sino | Gogoldhaaf |
| 227 | Sixir | Falfal | |
| 228 | زيادة | Siyaado | Koror, |
| 229 | زيارة | Siyaarasho | Booqasho |
| 230 | سعي | Socod | Dareer |
| 231 | سؤال | Suaal | Weydiin |
| 232 | صباح | subax | Aroor |
| 233 | Sulux | Heshiis | |
| 234 | Suuli | Musqul | |
| 235 | صحفي | Suxufi | Wariye |
| 236 | سحور | Suxuur | Hiraab |
| 237 | تاجر | Taajir | Hodan |
| 238 | تبرعات | Tabarucaad | Taakulo |
| 239 | تعدي | Tacaddi | Xadgudub |
| 240 | تعليم | Tacliin | Waxbarasho |
| 241 | Tacriif | Qeex | |
| 242 | تعزية | Tacsi | Baroordiiq |
| 243 | تهنئة | Tahniyad | Hambalyo |
| 244 | الثلاثاء | Talaado | Agaagax, lamtuke |
| 245 | تربية | Tarbiyo | Barbaarin |
| 246 | ترجمة | Tarjumid | Afrogid |
| 247 | Tawrad | kacaan | |
| 248 | Taxliil | Dhiraandhiris, falanqeyn, gorfeyn, faaqidaad, qaadaadhig | |
| 249 | تجربة | Tijaabin | iskuday |
| 250 | Tumun | Fallar | |
| 251 | توافق | Waafaqid | Raacid |
| 252 | Waasac | Balaaran | |
| 253 | وطن | Waddan | Dal |
| 254 | توجه | Wajahid | Foodsaarid, |
| 255 | وقت | Waqti | Xilli, goor, ammin, milay |
| 256 | وسخ | Wasakh | Uskag, dusukh |
| 257 | حضور | Xaadirid | Imaansho |
| 258 | حاجة | Xaajo | Dan, arrin, talo |
| 259 | Xaalad | Sah | |
| 260 | حد | Xad | Soohdin |
| 261 | حفظ | Xafidid | Dhawrid, ilaalin, |
| 262 | Xamilid | Adkeysi, gegsi | |
| 263 | حنان | Xannaano | Daryeel |
| 264 | حق | Xaq | Gar |
| 265 | حقيقة | Xaqiiqo | Dhab |
| 266 | حيوان | Xayawaan | Sankuneefle, nafley |
| 267 | حساب | Xisaabin | Tirin |
| 268 | حكم | Xukun | Talis, |
| 269 | حرمة | Xurmo | Milgo, Muuno, xushmo |
| 270 | يوم | Yoon | Maalin |
Sidaad ka aragtaan halkan lama dhihi karo ereyada carbeed ee ergan in ay yihiin kuwo buuxiyay boos banaan, taas oo la ulajeed ah ilbaxnimo maqnayd iyo garasho dhinnayd ayay keeneen dadyowga ku hadla afka carbeed. Waa ay jirtaa erey obadan oo boosbuuxis ah ee aan ahayn boosdurjin ama barabixis, sida siyaasad ama diin, ama ereyada nolosha cusub tan iyo bilowgii isqabqabsigii saldanadihii taas oo sababtay in loo dabco gumeysigii, gumeysigaas ayaa keenay dalkan erey oku cusub nolosha sida warshadaha casriga iyo waxay soo saaraan, wixii xigayna waan ognahay oo afkii oo aan la isku raacsaneyn far lagu qoro, dadkii oo dhibaato is xigxigta ka bixi waayay, iwm.
Gunaanud
Labada af ee bahwadaagga ah waxaa lagu sheegaa in Afka Soomaaligu uu ka weynyahay Afka Carbeed, qiyaasta la bixiyana waa in Af-Soomaaligu saldhigtay qarnigii 1aad ama 2aad ee miilaaddiga, halka Af-Carabiguna uu ka dambeyay 3,4 amaba 5 qarni. Halkan tusaalooyin waxaa noogu filan in Af-Soomaaligu uu ku badanyahay laba shibbanaha, yacni waxa carabtu ay u taqaano “thunaai”, sida: deg, gal, bax, riix, joog, jir, cun, dur, dir, naq, rar, roob, cir, dhul, bad, laf, bal, buul, biib, duul, dal, hag, hoog, hur, taag, tag, tuur, tiir, tol, beel, leeb, guul, yar, roon, rif, tif, dhab, dhal, dood, dan, tar, jab, jiin, fac, fil, kuul, kal, shin, haad, qudh, cab, jiif, jug, baal, sah, gar, goob, meel, goor, gan, duur, jiq, jaal, daan, iwm. Halka carabigana ay ku badanyihiin “thulaathiga” yacni saddex shibbanaha, sida: saqiir, kabiir, waqti, zaman, shahr, sulxi, qitaal, waddan, calam, makaan, madhar, lahm, nazal, dakhal, kharaj, dakhdi, xadar, rukni, shajara, nabaat, arsal, dufr, nasr, baxr, walad, halaak, ..iwm.
Ugu dambeyn waxaan ku soo afmeerayaa af-Soomaaliga iyo xiriirada ka dhexeya afafka kale gaar ahaan kuwa ay bahwadaagga yihiin waxaa loo baahanyahay in cilmibaaris badan lagu sameyo, haddaysan dhicin sidaas waxaa badanaya dadyow kale ee sameyay cilmibaarista afkooda inay ku dhiirtaan beenabuuro ama xagaleegyo(perspectives) ka dhan ah afkeena.