wadareynta ereyada af-soomaaliga

Af-soomaaligu wuxuu leeyahay hab u gaar ah oo lagu wadareyn karo ereyada, ayna qaataan qaabab kala duwan kuwaas oo sababa xarfaha ay ku dhamaadaan ereyada. Halkan waxaan ku soo bandhigaynaa is rogrogga qeybta dambe ee ereyada la wadareynayo.

“O”, “YO” , “YAAL”, “İN” , “A+shibbanaha” iyo “qalaad”, waa qaababka ay ku dhamaadaan ereyada Afsoomaaliga. Labada hore ayaa badan, qeybaha kale se waxay galaan meelo go’an.

Aqal-o, meel-o, xeeb-o, bad-o, geed-o, gacan-o(gacmo> qaaciddo kale ayay gashaa)”, bil-o, sar-o, hees-o, lug-o, deeq-o, laan-o( shaqal + n + shaqal = m>laamo), erey-o, boqor-o, hadal-o, dareen-o(dareemo), daaqad-o, lacag-o, maalin-o(maalmo), iwm. waxaa jirta dad ku sheega in la jibbaaro xarafka dambe ee aan jirin “O” keliya sida aqal= aqal-lo, boqor-ro,iwm. laakiin ereyada badankoodu ma ogola xeerkan sida ereyadan : bad-o, xeeb-o, gacan-o, hees-o, sar-o, …. haddiise la raaco xeerka ay afyahannada qaar ay soo jeediyaan waxay noqon lahayd sidan: baddo, xeebbo, gacanno, heesso, sarro,.. adigan hadda aqrinaya dhawaaqa kulama qumana oo kolkaad leedahay xeebo iyo kolkaad leedahay xeebbo way kuu kala duwanyihiin.

Waxaa sidoo kale jira “yo”, wuxuu yimaada kolka ereygu uu ku dhamaado shaqalada A, İ, iyo ereyada qaar ee shibbanaha ku dhamaada, tusaaledhig: baaq-yo, waa-yo, madax-yo, xafiis-yo, cirif-yo, ilaah-yo, rinji-yo, qoraa-yo, mindi-yo, aragti-yo, iwm.

Ereyada ku dhamaada E sidoodaba waxay qaataan “yaal”, halkan laga yaabaa in AAL uu ahaa oo Y’du ay labada shaqal isku xirayso keliya, laakiin halkan meel oo ah “E” ay gasho awgeeda; sideeda ayaan ku daynaynaa.

Ereyada ku dhamaada O waxay qaataan “İN”. Laakiin sidee ayay ku dhici kartaa oo waxaan adeegsanaa OYİN, sida qolo-oyin > qolooyin, degmo>oyin, iwm. Aniguse markaan baaray waxaan arkay inay jiraan dheereymo badan oo lagu sameyo ereyada qaar, tusaale ahaan : ereyga degaan waxay soomaalidu ugu dhawaaqdaa sida deegaan, laakiin degaan ayaa saxan, sababtu waa degaan wuxuu ka yimid deg-id, ee ma aha deeg-id, si la mid ah, qolo + Y + in ayaa quman oo waxay noqotaa qoloyin oo dabadeedna way dheereyaan dadweynuhu, sidaas si la mid ah ereyga EED-EY-N wuu saxanyahay laakiin kolka laga dhigo fal tagay waxay ugu dhawaaqaan eedeeyay, waxaana saxan eedeyay.

Waxaa jira ereyo ah LAB haddana ah HAL HİGGAADLE, waxay qaataan wadareyn ka duwan kuwa kale sida: qaab-ka > qaab-ab, shir-ar, buug-ag( ma aha buugaag, waa sida aan iminka sheegayay), af-af, duub-ab, raad-ad, miis-as, saf-af, baal-al, daan-an(daaman), wiish-ash, dal-al, dhul-al, caag,ag,xul-al, doog-ag, tog-ag, war-ar, fal-al, mas,as,iwm. oo shibbana ugu dambeya ayaa soo rogaal celiya uun laakiin shaqalka u dhexeya wuu cadyahay oo waa A.

Ugu dambeyn waxaa jira wadareyn qalaad oo ka timid Afka Carbeed, wuxuuna wadareyaa qaar ka mid ah ereyada doolka ah ee isaga ka yimid, sida muslin-iin(muslimiin), jaahil-iin(ama juhalo), caalin(culimo), iwm.

Haddaan isu soo ururino wadareynta ereyada( plural) waxaa ugu weyn “(Y)O”. inta kale waxay galaan keliya hadduu ereygu ku dhamaado “E” ama “O”, naqadkuna waa “LAB+HAL HİGGAADLE”.

waxaan rajeynayaa inaad faaloyin noogu dhaafto hoos ama baraha bulshada.